LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Faaidada wax akhrisku u leeyahay nolasha qofka


Wax akhrisku wuxu door muhiima ka ciyaara nolasha qofka, waxa uu saamayn wayn ku leeyahay dhinacyada kala duwan ee nolasha.

Qaar kamida faaidooyinka uu leeyahay wax akhrisku

Cimriga ayuu kordhiyaa

Qofka wax akhriya waxa uu ka dhigan yahay sida qof kun sano ka hor noolaa oo kale. Waayo qofka mrka uu wax akhrinayo waxa uu akhrinayaa taariikhyo kala duwan, wuxu akhrinaya taariikhyo dad kumanyaal sano ka hor noola, wuxuuu buugga ka dhex dheehanaya habka ay u fikire jireen, sida ay nolasha u arki jireen,xaaladihi kala duwana ee soomaray iyo siday u xalin jireen, mufakarkii masriga ahaa ee (cabaas caqaad) ayaa lagu yiri wax akhris badnida? Wuxu ku jawaabay waxaan ogaaday inaa noolaanayo nolal kaliya inaa leeyahay hal nolal o kaliya nolal kaliyana iguma filna, wuxu tilmaamay in markasta uu buug akhriyo ay uga dhigneed inuu weelanayo waqti aad u fara badan.

Naftaa lagu hormarshaa

Akhrisku wuxuu ku sahlaya inaa hormarin karto aqoontaaada, garaadkaaga, akhlaaqdaada, wuxuu kordhinaya xirfadaada hal-abuurnimo xirfadada mushkilad xalinta, xirfada hogaaminta io xirfada barasho, akhrisku wuxu ku sahlaya dhamaan jawaaniibta nolasha kala duwan ee mid walba heerka joogo ina hormainkaryso.

Waa daaqada maskaxda cabaaqirada kaaga furan

Qofka wuxu nolasha ka daawada daaqad, qofka markuu bug qiime badan akhriyo waxayka dhigantahay isago ku dhex jira maskaxda dadka culimada aha ee buugta qoray, waxay buugta fursad u siinaynayaan inoo nolasha ka arko daaqadu ka arkayey maahe mid kale, mamarkaasu wuxu ka dhexlaya aqoontooda iyo waayo aragnimadooda, xigmadooda iyo habfikirkoodo siday nolasha u arkayeen.

Wax qiimaynta qofka ayuu qurxiyaa

Qofka markuu wax qiimaynayo natiijada waxa uu qiimaynayo kaso baxaysa waxay ku xirantahay hadba xogta iyo macluumaadka u hayo, qofka wax akhriyey ee wax badan nolasha ka akhriyey wuu ka aragti dheeryahay o ka qiimayn wanagsanyahy qofka aan waxba akhrin ama buug yar akhriyey.

Diirad –saaryada ayuu kordhiyaa

       Wax waba o nolasha doonayso inaa heer ka gaadho io wax walba aandoonayso inaa ku wunaagsanaato waxay kaaga baahantahay diirad-saaryo aad u xoogan.

Maskaxda ayuu caafimaad u leeyahay

Daraasaad aad u fara badan ayaa waxay tilmaamayan dadka wax akhriyaa marka ay weynaadan inan kuso deg-degin gabawga maskada ama aanu isku dhexyaacin marka uu weynaado, sido kale dadka wax akhriya waka wal-wal yaryihin kuwa aan wax akhrin, dadka wax akhriyaa markay weynaadan xasuustoodo ma lunto.

Kaydka erayadaqofka ayuu kordhiyaa

Maalinki hada 15daqiiqo kaliya wax akhriso sanadkii waxa indhahaaga ku dhacaya in ka badan halmilyan o eray, marwalba uu balaadho keydka eraydada waxa ku sahlnaanaysa marka aad xog jeedin samanayso ama fagaaro ka hadlayso inaa si wanaagsan hadalkaaga uso gudbin kartid, inaa kala dooran karayso erayada ku haboon oraahda aad doonayso inaa tiraahdo, sidoo waxa ku fududaanaysa inaa si wanagsan wax u qorto

Conclusion

Faaidooyinka akhriska intaan way ka balaadhanyihin halkaana kuma so koobi karo balse waxa rajeynaya in maqalkaan yar ee kooban uu ugo yaraan wax kaaga bidhaamiyo faaidooyinka akhrisku leeyahay, waxa rajeynaya inaynu noqono dad ku dadaala wax akhriska waayo (inta maanku gaajaysanyahay guu waa wali)


Post a Comment

0 Comments