LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

How can Somali youth become symbols of patriotism?

 

Side dhalinyarta soomaliyeed ku noqon karaan astaanta dhalinyarada soomaaliyeed?

Dhalinyartu waa lafdhabarta ugu muhiimsan bulsho walba hadii si isku xiran ay uwada shaqeeyaan waxay noqon karaan kuwo isbadal muuqda ku sameeya soomaliya.

Isbadalku wuxuu ka bilaama tilaabooyin yaryar oo ay wada qaadaan dhalinyaradu kuna saleysan rabitaan dhab ah oo ah in la gaaro horumar iyo nabad waarta.

Wadan walba astaanta horumarkiisu waa dhalinyaro

Dhalinyarada soomaliyeed hadii ay raacaan talaaboyin dhowr ah oo lagu xoojinaayo jacaylka, daacadnimada, iyo u adeegida dalkooda waxay noqon karaan wadaniyiin.

1.Taariikhda iyo Dhaqanka dalka

•Dhalinyaradu waa inay bartaan taariikhda wadankooda iyo halgankii gobonimada si ay u fahmaan qiimaha wadankoodu uu leeyahay

•waa in la xoojiyaa afka soomaaliga,dhaqankeena iyo hidaheena soo jireenka ah, si loo ilaaliyo aqoonsiga wadankeena.

2•Midnimada iyo Nabad galyada

•Dhalinyaradu waa inay ka hor tagaan wax walba oo u keeni karo kala qoqobka sida qabyaalada, iyo naceybka.

•waa inaad ka qayb qaadataa nabada iyo wacyi galinta bulshada, si loo xoojiyo midnimada umada.

3•Muuji Quruxda wadankaaga

•Dhalinyaradu waa inay bartaan technology yada una adeegsadaan sidii ay ugu horumarin lahaayeen sumcada dalka iyo bulshada. 

•La wadaag aduunka macluumaad iyo muuqaalo soo bandhigaaya dhiirigalinaayana quruxda , midnimda iyo wanaaga soomaliya.

4• Horumarinta iskaashiga iyo wadajirka 

•Sameynta ururo dhalinyaro ah oo ka shaqeeya sidii isbadel ugu sameyn lahaayeen bulshadooda dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo abuurka.

5•ka Hortaga musuqmaasuqa iyo khaladaadka bulshada 

•Dhalinyaradu waa inay ku baraarugsanaadaan muhiimada daacadnimada, oo aysan u dulqaadan musuqa iyo eexda.

•waa inay dhiiri galinyaan isla xisaabtanka iyo maamul wanaaga.

6•Horumarinta Dalka 

•Dhalinyaradu waa inay ku dadaalaan horumarinta xirfadaha wax utaraaya naftooda iyo dalkooda.

Ka shaqaynta mashaariicda wadanka ka socdo sida •waxbarashada bilicda deegaanka caafimaadka iyo ka hortaga arimaha sida tahriibka iyo qabyaalada.


Gunaanad

Dhalinyarada soomaaliyeed waxay noqon karaan wadaniyiin dhab ah hadii ay u midoobaan sidii ay udifaaci lahaayeen horumarinta Wanaaga iyo danaha dalkooda. Wadaniyadu waxay ka bilaamataa qof walba oo go’aansada inuu naftiisa waqtigiisa iyo aqoontisa uhuro dalkiisa.

Post a Comment

0 Comments