Dhibaatada gudniinka fircooniga
Gudniinka fircooniga waa mid ka mida dacadiga loo gaysto gabdhuhu marka ay yar-yar yihin ayago lagu xadgubayo qayb kamida jirkeeda dulmina laga galayo.
Noocyada lo qaybiyo gudniinka fircooniga
Gudniika fircooniga waxa loo qaybiyaa 4 qaybood o kala duwan marka loo eegayo qaabka loo jarayo
1:waxa la jaraa qaybta ugo horeysa xubinka taranka ee dumarka,
2:Waxa la jaraa dubnaha sare iyo qayb ka mida inta u horeysa xubinka( clitoris)
3:waxaa la jara inta u horeysa ( clitoris) iyo dubnaha sare io kuwa hoose ee xubinka taranka
4:waxaa la jaraa dhamaan xubnaha ee xubinka taranka ee dumarka ( Waana nooca ugo halista badan)
Nooca gudniin ee laga istcamaalo dalkeena waa nooca 3aad oo ah:
Waxaa la jaraa inta u horeysa (clitoris) iyo dubnaha sare io kuwa hoose ee xubinka taranka
Dadka ugo badan oo sameeya gudniinkaan
Badana gudniinkaan waxa sameeya dumarka loo yaqaan umuliso dhaqameed kuwaas o badi ah dumaro aqoon lahayn farsamadaana ka dhaxlay waalidkood da,ahaana ka wayn 50sano araga indhahooda aanu sax ahayn, isticmaala qalab aan nadiif ahayn gudbinkara cudurada la kala qaado sida Hiv/AiDs iyo kuwa kale o kasii badan.
Xiliga la sameeyo gudniinkaan
Badana waxa gudniinkaan lagu sameeya hablaha yar-yar da,da u dhaxaysa 7_14 jir
Sababta loo sameeyo gudniinkaan
U jeedooyinka loo sameeyi way badanyihin waxaana kamida
1:kamida ayaa aaminsan gudniinkani inuu yahay dhaqan soo jireena
2:sababa la dhiidha dhaddignimada inanta, ayado la aaminsanyahy in gabdha yari marka la gudo la xalaaleeyey kana gudbayso marxaladii caruurnimo una gudbayso inanimo.
3:sababo la xidhiidha ilaalin, in gudniinku difaac u yahay inuu hoos u dhigo dareenka gabdhuna yaraan ku samayso galmo uurna qaado inta hareysa guurka waxayna aaminsanyihin in sharafta gabadha ku ilaalinayaan gudniinka fircooniga
qalabka lo istcmaalo gudniinka fircooniga
Badana waxa loo isticmaala qalab aan nadiif ahayn o kamida ah : makiinado, xadhko, qodax,dhagax, iyo irbada dharka
3 marxaladood o dhib la kulanto gabdha lo gaystay tacadiga gudniinka fircooniga
1 dhibaato maskaxd ( pcyhological impact)
Dhibaatada maskaxeed ee u horeysa waxay dareenta marka la geeyo goobta lagu gudayao waxa laga yaaba in lagu keeno khayaamo marka danbana la qasbo afka laga xiro dad badani isku qabtaan markaas waxay dareemaysa in dilayo camal waxay xanuun wayn dareemaysa marka jirkeeda la jar jarayo taas o sababta dhibaato maskaxeed cadaawadna u qaada hooyadeed iyo cid kasta o falka u gaysatay
2 dhibaato bulsho (social impact)
Badana tani waxay timaada marka inantu hesho caadada ( Dhiiga xaydka) iyo xiliga ay guursato.
Cadada waxay dareenta xanuun faraxa badan ayado keenayso in ay tolantahay halki loogo tala galay u somari laha waxay ka xishoonaysa in ay waalidkeed u sheegto dhibka haysta waxay asbuuc ka maqnaanaysa goobaha waxbarasha waxay xishoonaysa dacaayada uga imaanaysa ardayda sababta ay la maqantahay taas o sababta inay bulshada ka dhex baxdo
Marka gabadha fircooniga ah guursado waxay la kulmaysaa xanuun lamida marki gudniinkan lagu sameyey waxa dib lo fur-furaya jirkii horey lo tolay waxa loo isticmaalaya maqas ama sakiin taas u sababta in gabadhu balshaxda ka dhex baxdo guurkana ka cabsato
Dhibaato caafimaad ( Health impact)
Dhibaatada caafimaad darro ee gudniinka fircooniga aad ayey u badan yihin waxa ku dhici kara xanuunada lakala qalaado qalabka loo adeegsanayo awgii, in ay dhiig baxdo marka la jar-jarayo, kadida inay xajistato xanuunka haya dartii, taas o keeni karta kilyo xanuun, caabuq ku yimaada kaadi mareenaka, sido kale in goobta dhaawaca ah caabuq qaado.
Sidee ayaa lo joojin karaa gudniinka fircooniga
.In la wacyi galiyo walidka, loo sheego dhibka ka dhalan kara iyo tacadiga ay u gaysanayaan gabdhahooda.
.In la sameeyo sharci mamnuucaya gudniinka fircooniga
. In ciqaab la marsiiyo dumarka wax guda
Gabagabo
Bulshada hadii ay fahmaan dhibka gudniinka fircooniga talooyinkaas iyo kuwa la midka ahna la dhaqan kaliyo waxa imaan karta in la joojiyo gudniinka fircooniga
1 Comments
Mowduuca aad u fiican loona baahi qabo mar walba shukrab
ReplyDelete