Wax badan o su,aalahaan ku jira ayaa ku baran kartaa nooca qof ee naftaadu tahay marka isaga jawaabtid.
1: Salaadaadu ma cibaadaa mise caado?
Mararka qaar salaada ma tukadaa adigo khashuucsanayn niyadaaduna joogin marka salaado ka baxdo aadan xasuusan 4rakco suuradaha aad ku tukatay, saladaas waa caado ficilka marka mar walba samayso waa la qabsan lkn maku dhamaystirna cibaadadi iyo khashuucii ay salaadu lahay.
2: ma ficilka aad qabatid baa farxad kusiiya mise dadka waqtiga la qaadatid?
Waa muhiim inaa garan kartid farxdaada halkey ka abuurmato ma dadka ayaa ka heshaa mise ficilada naftaada.
3: Majirtaa sifo adiga kugo saabsan oo ay kugo adagtahay inaa aqbasho?
Majiraa ficil aad adiga samaysay alse aad isleedahay ficilkaas aniga igama suuroobo samaan io xumaan ba
4: dadka adiga ku doorta miyaa doorataa mise dadka aan adiga ku rabin?
Ma jeceshahay badana ina la joogto dadka aan ku rabin halka aad ka fogaanayso kuwa ku doortay mar walbana garab ku siinaya adigo ku qiimaynaya quruxda, lacgta, iwm.
5: markaa fiiriso ficilka iyo qaabka aad u dhaqantid ma is agjoogi lahayd?
Ficilkaaga iyo qaabkaagu aad dadka kula dhaqantid ma jeclaan lahayd in adiga lagu kula dhaqmo, hadii lagu kula dhaqmi lahaa ma dhibsan lahayd mise wa jeclaan lahayd?
6: Qofkii kuugo saamaynta badna nolashaada Yuu ahaa?
Waa inaa garata qofka kugo samaynta badan nolashaada iyo wuxuu ku mutaystay
7: waa maxay cabsida ugo wayn ee ku haysata?
Ma dhimashada ka cabsataa, guul darrada, mise in aad waydo qof aad jeceshahay. is weydii waxa ugo badan aad ka cabsatid.
8: Halkee kuso baratay jeceylka?
Is weydii halka aad jaceylka kaso bartay walidka, walalaha, Qofka nolol wadaaga tihin, taasi waxay ku cadaynaysa maskaxdada heerka koriimo ay heshay.
9: Goorma ugo fiicantahay?
Xilli waxa jira qofka ugo fiicanyahy o wax badan qaban kartid sida subaxdii, duhurkii, casarkii, habeenkii, xilligee ayey naftaada ugo fir-fircoontahy.
10: maalintaada sidee ku bilowdaa sideena ku dhamaataa?
Waxa u horeeya iyo waxa u danbeeya ayaa go,aaminaya mustaqbalkaaga waqtiga maka faaidaysata mise waa beel daraysaa.
11: Waa maxay luuqada jaceylkaagu?
Waxaa jira 5 luuqadood ee jaceylku leeyahy wa tee luuqada jaceylkaaga.
12 Dadka kale raali ahaanshahooda miyaa raadisaa?
Ficilka aad samaynayso ma dadka ayaad ku qancisaa mise naftaada ku qancisaa adigo muhiimad u arkayn dadka waxay ku dhahayaan.
13: Dadka xiriirada la leedahay ma waxay soo saaraan shakhsiyadada ugo wanaagsan mise kuwa xun
Marka xiriir samaysid ma qof ciil, maseyr iyo cuqdad badan baa noqotaa mise qof aad u deggan o farxad badan.
14: Halkee ugo jeceshahay muuqaalkaga?
Marka aad is fiirisid halkee iska jeceshahay afka, indhaha, suniyaha qof walba meel baa u qurux badan adiga halke meesha kugo qurxoon
15: Naftaada ma daryeeshaa?
Waqti badan maku bixisaa daryeelka maqaarkaaga iyo naftaada
16: Majirta Riyo aad yaraantaadi ku riyoon jirtay balse hadeer ka niyad jabtay
Is weydii riyada maxaa uga niyad jabtay maxa kaa hortaagan hadda ina rumayso.
17Marka mustaqbalka la joogo waa maxay waxa ka cabsato?
Ma guurka ka cabsata, ma ina is badeli waydo ka cabsataa mise guul darrada ka cabsataa
18: xad ku celinaya hadii aadan lahaan lahayn waa maxay shayga aad qaban lahayd?
Is weydii waxa jeclaan lahayd ina qabato balse hada wax ka hortaagan yihiin
19: Waa maxay guushi u danbaysay aad u debaal degtay?
Hormarkii naftaada samaysay heerku marayo waa taqaana
20: 5sano ka hor talo noocee ay naftaada siin lahayd?
Tani waxay ku sheegaysaa ma koray caqligaagu shalay waxaa sax u arkaysay maanta khalad ma u aragta mise waa isago kaa mid maanta iyo 5sano kahor naftaada
21: Qoyskaaga xiriir noocee ah la leedahay?
Xiriirka aad qoyskaaga la leedahay wuxu samayn ku yeelanaya xiriirada denbe ee mustaqbalkaga.
22: ma is ogtahay inaa tahay qof sun ah?
Ma leedahay dabeecadu xun xun, dadka ina isku dirto, beenta sheegto, balan kabaxa taqaanid iyo in aad samayso wax bulshada ku dhibaataynayso.
23: majiraa qof aad wali cuqdad u hayso?
Tani waxay ku cadaynaysaa inaa cuqdad leedahay iyo inaa tahay qof saamaxaad badan.
24: majiraa wax aad haysato aad qiimiihisa garanayn?
Waa muhiim inaa garato shaygaa si aad uga faaidaysato qiimaha uu maanta kuu leeyahy.
25: waa maxay waxa aad samayso o hoos ku dhigaya
Ma jira ficilo aad caadaystay oo hoos u dhigaya qofnimadada o ka celinaya qofka ugo wanagsan.
26: ma jiraa qof aad la hadli lahayd hal mar?
Qof aad u xiistay o rabto ina halmar lahadasho, maxaa ku dhihi lahaydna?
27: sidee u cabirtaa shacuurta aad so saaraysid?
Mataqanaa si caafimad qabta inaa shucuurtaada uso saartid mise cuqdad iyo xanaaq baa is galisaa.
28: Waa maxay xiriirka kuugo wanagsan hada?
Xilligaan la joogo mahaystaa qof aad ku sir qarsato ku tageera ku nafisto, walidka, walalaha, ama qof kale mise keli ayaa tahay.
29: nolashaada ma adigaa maamula mise nolasha iyada ku maamusha?
30: maxa ka xanaajiya?
Gabo gabo
Su,aalahan o dhan waxay awood ku siinayaan ina ogaato waxyaabo nafsadaada ku saabsan hadii aad si sax ah isaga jawaabtid.
0 Comments