LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Nolashayda ma badeli karo ( Victim mentality)

 

 

Waa maxay caqliyada dhibanaha?

Waa xaalad maskaxiyan ah oo qofka si joogta ah u arkayo nafsadiisa inuu dhibane u yahay xaladaha isaga ku hareeraysan, dadka isaga ku hareeraysan iyo waxyaabaha isaga maamulkiisa ka baxsan, Hadii xitaa cadayntu ku  tusayso qofkaan in uu isagu maamulka nolashiisa gacanta ku hayo balse mar walba wuxuu isku arkaya inuu dhibane yahay.
Qofkaan dhibaato lama kulmin balse  guduhiisa ayuu ka dareemayaa in uu wax awooda u lahayn dhibaatada inuu ka dhex baxo 

Sidee lagu ogaan karaa qofka qaba caqliyada dhibanaha


1: Qofka oo go,aansada dhibka isaga haysta in uu eedda dadka kale dusha kasaaro

Markasta aad go,aansatid in dhibka adiga ku haysta cid kale eedda dushs ka saarto, qofkaa eedda dusha ka saartay ayaa gacanta ku haya awoodaadi baddelida xaaladaha.
Eedda dadka kale waa marka qofku dareemo in dhib walba isaga ku dhaca ay sabab u yihiin cid kale ama xaalado kale oo isaga la xiriirin. Tani waxay ka turjumaysaa maskaxda dhibanaha  "Victim mentality" Qofka aan ogolayn inuu qaato masuuliyada gaarka ee nolashiisa.

2: Is xakamayn la,aan iyo awood la,aan

Qofka marku aamino in uu waxba ka qaban karin xaaladda u ku sugan yahay wuxuu dareemaya awood la,aan in uu qaadi karin masuuliayada naftiisa, wuxu dareemaya rajo xumo nolasha wuxu u arkaya mid aan macno lahayn, isma xakamayn karo wuxuu aaminaya in uu nolasha waxba ka badeli karin kalsoonidiisa yaraanaysa wuxu isku arkaya qof daciifa wuxuu ka foganaya fursadaha oo isbadelka xaaladiisa ku samayn lahaa.

3: Qofka oo si joogta u raadiya dareemaha dadka kale iyo xaqiijintooda

Qofka markasta raadinayo in uu dadka kale ka helo naxariis loo sheego in dhibka ku dhacay lo cadeeyo naxariis lo muujiyo, balse aan rabin in xalka loo sheego, sababto ah marabo qofkaas inuu dareemo in uu  awooda gacanta ku hayo nolashiisana wax ka badeli karo. Qof kasta oo masuuliyad qaaday eeddana wuu qaata qofkaana marabo in uu eedda khaladaadka nolashiisa qaato

4: Qofka oo  isbadelka diida ama masuuliyada nolashiisa qaado

Fikrada uu aaminsanyahay wuxu u  raadinaya caddayn ah in uu saxan yahay cuqdada buu u haya dadka uu eedda dusha kasaaray xaaladaha haysta.

Halkee kaso bilaamata caqliyada dhibanaha

1: Xiliga caruurnimada dhawac kuso gaara
2: Dhaqankaan in aad barato o caadaysato
3:Kalsoonidarro ku haysa ,qabkaadunahooseeyo
4:Qofka oo ka cabsada masuuliyada
5:Dhaawac kuso gaaray walina aadan xalin

Qaabka nafsadaada u arkeysid

Aqoonsiga shakhsiyada waa sida qofka isku arko, sida uu naftiisa u dareemayo waxa uu aaminsanyahy, qiyamka, fikradaha, dhaqanka, khibradaha iyo bulshada oo ku dhex noolyahy.
Aqoonsiga qofka waxa uu xiriir la yeelanaya xiriirada oo dadka laleeyahy, hab dhaqankiisa shakhsiyadiisa, yoolkiisa, iyo nolashiisa guud.
Qofka yaqaan cidda uu yahay isagu waxa uu awood buuxda u leeyahay in uu nolashiisa si wanaagsan u maareeyo, qofka aan aqoon naftiisa wuxu la kulmaa caqabado kalsooni darro iyo dhibaato bulsho.

Qaabkee caqliyadaan uga bixi kaaa qofku

Step1: Qaabka ay u shaqeynayso caqliyadaan baro, muhiimada saar dhibkaan ma jiraa? Halkee ka yimi? Xal ma leeyahy? Kadib masuuliyada Qaado

Step2: Qaabka taban aad nafsadada ula hadlayso jooji, Sida: Anigu qof xun baan ahay, qof liita ahay, Iyo marwalba maxa sidaan la iigo sameeya.
Ka hor imow wax kasta oo maskaxdaadu kugo quudinayso, qaabka uu qabkaagu ku difaacayo oo ka qarinaya xaqiiqda kuna tusaya inaa tahay qof nolashiisa aan wax ka badeli karin, khaladaadka iyo dhibaatada kugo dhacay  badel o micno kale u samee.

Step3: xooga saar waxa adigu maamuli karto, waxyaabaha aad maamuli karto waxa kamida:
Badel qaab fikirkaaga, aduun aragaaga, qaabka aad adigu u fasiranaysid, felcelintaada. Dhamaan wax yabahaan adiga ayaa maamuli kara, haku mashquulin wax awoodada ka baxsan midaas waxay sababaysaa in adiga maamulka kuso laabto awoodna waxa u yeelanaysaa in aad nolashaada badeli karto.

Step4: Qofnimo cusub samayso sawir cusubna nolasha ka qaado, aamin in aad dhibane ahayn noqo qof isagu sheekadiisa qora ee ha u dayn cid kale ama xaaladaha nolasha in  ay kuu qoraan sheekadaada.

Gabo gabo

Caqliyadaan waxa la yiraahdaa caqliyada dhibanaha waxa rajaynayaa in aad si fiican u fahanteen, ogsoonow markasta adigo eedda iska leexiso waa markasta oo awood baddelida xaaladaada gacanta ka baxdo.
.

Post a Comment

0 Comments