LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Maxaa sababa bur-burka qoyska?

 



Qoyska waa Asaasaha bulshada Marka qoysku bur-buro waxaa  saamayn xoogan ku dhacdaa bulshada oo dhan.

Qoyska isku xiran waa tiirka Ugo wayn ee bulsho caafimaada qabta. Bulsho hurmarsan deegan ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Sababaha Keena Bur-burka qoyska.

Sidaad wada ognahay furiinka waa calaf dhamaaday hadana waxaa Jira sababo badan oo keeni Kara in furiin dhaco labada dhinac ee lamaanaha waxaan kamida.

Isfahan la,aan qoyska:- dhibaatooyin ka dhasha is fahan waaga lamaanaha ayaa dhalisa bur-burka iyo kala taga qoyska.

Maarayn La'aanta xiisadaha ka curta qoyska:- khilaafyada yar-yar oo lamanaha si wadajira xal uga helin ama la iska indho tiraan ayaa iyana sababa kala irdhowga iyo bur-burka qoyska.

Saamaynta dhaqaale ee qoyska:-

dhaqaale la'aanta waa sababta Ugo wayn ee qoyska ku bur-buro markii lamanaha nolosha ku midoobay aysan isku samreen dhib iyo dheefna wada qaybsanayneen.

Dayaca waajibaadka qoyska:-

lamaanaha oo aan si siman ugudan waajibaadkooda qoyska ayaa dhibaato keeni Kara.

Saamaynta waalidka ama qaraabada ee qoyska:-

Faragilnta xaddhaafka ah ee ka yimaada dhinaca waalidka ama qaraabada iyana mararka qaar waxay door wayn ku leeyihiin oo dhaawici karaan wada noolasha qoyska.

Kala aragti duwanasha qoyska:-

Kala aragti duwanasha u dhaxeeya lamanaha dhinacyada nolosha ayaa iyana qayb ka noqon Kara bur-burka qoyska.

Masayrka:-qoyska ama lamanaha midoobay oo mid kood dareemo masayr ama shaki ka dhex curta lamaha ayaa iyana ah mid kamida waxyaabaha ugu waa wayn ee keena burbur ay ka adag tahay dhamaan ka soo kabsashadiisu qodobadii hore oo dhan.

Muhiimada xiriirka qoyska ee xoogan

Ubad caafimaad qaban:-

Ubad ama dhalaanka ku Barbaara qoys uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo xoogan ixtiraam iyo jacayl dhaxal gal ah waxay noqdaan kuwo iyana dabci wanaagsan ixtiraam leh oo dhisan jir ahaan iyo caqli ahaan sareeya dhinaca waxbarsahada diiniga iyo maadiga-ba.

Iskaashi iyo kalsooni:-

Lamaanaha xiriirkooda xoogan yahay waxaa awoodo u leeyihiin in si wadajira caqabadaha nolosha uga ugudbaan.

Hormar dhaqaale :-

Qoyska isku xiran wuxuu abuura nidaam ganacsi oo waaraa waxayna ka hor togaan dhaqaale burbur iyo saboolnimo soo wajahda qayska.

Sidee looga hortagi karaa Bur-burka qayska.

U samee waqti joogta ah iyo ka warqabka qoyska idinka oo la idiin dhaxayn.

Ka shaqay in aad fahanto dareenrka lamahaaga adiga ka waraysanaya culaysayda ama tabasahada jirtaa si aadxal uga gaaratan.

Xakamee isticmaalka baraha bulshada xiliga aad wakhtiga la qaadanayso qoyska.

Raadi talooyin xirfadeed hadii khilaafku kordho inta aan u imaan bur-burka qoysku Kuna dhaqma ixtiraam dulqad isku Sabra oo isku tanaasula xaladada adag.



Gabo gabo

Burburka qoyska waa dhibaato laga hortagi karo haddii la helo xiriir wanaagsan, isfahan, iyo sabir badan. Qoyska oo xasilloon waa saldhigga bulsho caafimaad qabta.

Post a Comment

0 Comments