LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Saamaynta tahriibku ku leeyahy bulshada soomaaliyeed

 

Waa maxay tahriib 

Tahriibku waa safar sharci ama sharci-darro ah oo uu qofku ku doonayo inuu u gudbo waddan kale si uu uga helo nolol ka wanaagsan tan uu haysto. Tahriibku wuxuu noqon karaa mid sharci ah oo qofku uu si xalaal ah u maro xuduudaha waddamada, ama mid sharci-darro ah oo qofku uu si dhuumaaleysi ah uga tallaabo xuduudaha iyada oo aan loo marin habraacyada sharciga ah.

Sida caadiga ah, tahriibku waa socdaal dheer oo qaadan kara maalmo, bilo ama xitaa sanado, waxaana inta badan sababa raadinta nolol dhaanta tii hore, waxbarasho, caafimaad iyo ammaan.

Noocyada tahriibka

Siguud Tahriib waa Socdaal, Safar, waxaana uu kala leeyahay noocyo kala duwan sida hoos ku xusan:

b. Tahriibka caalamiga ah (Internation Migration)

Waa socdaal sharci ah oo qofku kaga baxayo waddankiisa, kuna galayo waddan kale iyada oo la raacayo sharciyada wadanka . Qofka waxa uu helaa baasaboorka, fiisaha, iyo ruqsadaha la xiriira safarkiisa.

t. Tahriib Gudaha wadanka ah (Internal Migration)

waa marka Bulsho ku nool wadan ay u kala gooshayaan/safrayaan isla wadankaas gudihiis Miyi ilaa Magaalo, Magaalo ilaa Magaalo kale, Gobol ilaa Gobol kale, si waafaqsan sharciga wadan uga degan isu socdokiisa. Tusaale ahaan Miyiga ayey dadku ka soo kicitimi karaan oo Magaalooyinka ayey iman karaan. Si sharciga waafaqsan.  Guuritaankan waxa keeni kara  sababo la xiriira shaqo raadis, wax barasho, ama ay radiyaan nolal ka duwan midi hore eek u noolaayeen.

j. Tahriib Ku meel gaar ah (Temporary Migration) 

Waa nooc tahriib ah oo qofku waddan kale u aado si ku-meel-gaar ah, sida shaqo xilliyeed  jaamacad , ama dalxiis.  

x. Tarhriibka caalamiga ah ee sharci darrada ah (Internation Illegal Immigration)

Tahriibka Caalamiga ah ee Sharci darrada ah waa kan aynu rabno in aynu badanka qormadaan ku lafa gurno. Waa tahriibka ugu khatarsan, waana socdaal sharci-darro ah oo lagu maro wadooyin halis ah sida saxaraha iyo badda si qofku uu si qarsoodi ah ugu galo waddamo aan u ogolayn.  Tahriibka noocaan ah dhalinyaradda Soomaaliyeed aad ayey ugu badanyihiin, waana ka sababa in dhalinyaro badan ku waayaan naftooda, caafimaadkoodii, qaar kale oo badana ilaa hadda raq iyo rooxdoodii aan meelna lagu sheegin.

Maxaa Sababa Tahriibka Dhalinyarada?

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa ay tahriibaan sababo kala duwan dartood, kuwaas oo loo kala saari karo laba qeybood:

b. Qodobo dhalinyaradda ku Riixa in ay dalkooda ka tahriibaan (Push Factors)

Qodobada dhaliyaradda ku riixa in ay dalkooda ka tahriibaan, waa dhibaatooyinka ka taagan wadanka oo dhalinyarada ku dhiirigalinaya in ay ka cararaan wadandooda. Qodobadaas waxaa ka mid ah:

Waa waxyaabaha dhalinyarada ku qasba inay ka cararaan dalkooda hooyo:

1. Shaqo la’aan – Dhalinyaradu ma helaan fursado shaqo oo ku filan

2. Dhaqaale xumo – Sicir-barar iyo dakhli xumo oo keenta in dadku nolol wanaagsan waayaan.

3. Amni darro – dagaallada sokeeye oo keenaya cabsi joogto ah 

4. Xasilooni la’aan siyaasadeed – Hoggaan la’aanta iyo siyaasada oo noqotay mid qof jeclaysi ah 

t. Qodobada dhalinyaradda soo jiita oo ay ka arkaan wadanka/wadamada ay u tahriibayaan (Pull Factors)

Waa waxyaabaha dhalinyaradu ka maqlaan ama ay arkaan ee dhiirrigeliya inay tah

1. Fursado shaqo oo badan – Wadamada horumaray waxay bixiyaan shaqooyin mushaar fiican leh.

2. Waxbarasho sare – Qaar badan oo dhalinyaro ah waxay u tahriibaan si ay uga helaan waxbarasho tayo sare leh.

3. Xasilooni amni – Wadamada reer galbeedku waxay leeyihiin nabad iyo kala dambeyn.

4. Mushahar sare – Dadka shaqeeya wadamada horumaray waxay helaan dhaqaale aad uga badan midka ka jira Soomaaliya.

4. Saamaynta bulsho ee Ka Dhalata Tahriibta

Dhalinyaro badan oo tahriiba ayaa ku dhinta badda ,lamadegaanka,ama gacanta burcadka ku dhintaan halka qaarkood geeri io nolal lagu arag 

Hoos u dhaca aqoonta iyo hormarka dhalinyarada halkii dalkooda wax ka baran lahaayeen ama shaqo abuur sameysan lahaayeen waxay doorbidaan in ay tahriibaan taas oo keenta in hoos u dhaco aqoonyahano mustaqbalka wax ka tari kara dalkooda 

Saamaynta dhaqaale waa mida ugo weyn ee niyad jabisa waalidka waxay gadaan hantidooda taaas oo sababta saboolnimo 

Saamaynta qoysaska ayaa waxay sababta in qoysas badan la kulmaan murugo iyo wel wel joogta oo ka dhasha maqnaanshaha xubnaha qoyskooda 

Side loo xakamayn karaa tahriibka 

Dhalinyarada oo lagu baraarujiyo khatarta uu leeyahy tahriibku ayaa noqon karta mid yareysa tahriibka. Wacyigalinta dhalinyarda iskuulada dhigta ayaa muhiim ah. Wacyigalin ay sameeyaan culimada diinta iyo saxaafada ayaa Iyana lagama maarmaaan ah. Saxaafada oo Iyana qayb ka qaadato wacyigalinta. Waxaa sidoo kale muhiim ah in soomaalida horay ugu tahriibay waddamada yurub iyo aasiya iyo waddamada kale ee Africa ay qayb ka noqdaan wacyigalinta iyagoo adeegsanaya baraha bulshada. Kuwa horey u tahriibay ee dalka dib ugo soo laabtay oo iyagu  ka dharagsan khataraha tahriibka waa inay door muuqda ka qaataan olalaha wacyigalinta.

Waxbarsho nidaami ah iyo tababaro farsamo waxay kaalin wayn ka qadanayaan yareynta tahriibka.

Maalgashiga dhalinyarada iyo in loo abuuro ganacsi ay kaga baaqan karaan in ay ku fikaraan tahriibka 

Ka qaybqaadshada siyaasada in kaalin Ka helaan dhalinyarada firfircoon si wax ugo taraan dalkooda .

In la xakeemeeyo xuduudaha loo maro tahriibka sidoo kale tallaabo sharci ah laga qaado qof kasta oo fududeeya tahriibka.



Gabo gabo 

Tahriibku waa dhibaato halis ah oo saamaysay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada. Wuxuu sababay dhimasho, jirdil, dhaqaale xumo iyo burbur qoys. Si loo yareeyo, waa in dowladdu ay dadaal ku bixiso shaqo-abuur, waxbarasho iyo amniga dalka.

Post a Comment

1 Comments

  1. waa saad sheegtay oo waa run, hase ahaatee dalka waxaa jira waa laba daran mid dooro marka tahriibka nabdoon kama soo hor jeedo.

    ReplyDelete