LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

5-ta luuqadood ee jaceylka.

 


Jacaylku waa dareen qoto dheer oo kobciya xiriirka, balse si uu u noqdo mid xooggan waa in la fahmo luuqadda jacaylka ee lammaanahaaga. Dr. Gary Chapman ayaa sharxay shan luuqadood oo jacaylka ah kuwaas oo gacan ka geysta fahamka iyo muujinta dareenka si sax ah. Marka aad ogaato midka lammaanahaagu doorbidayo, waxaad xiriirka ka dhigi kartaa mid qoto dheer, faham leh, isla markaana waara.

5-ta luuqadood ee jaceylku waa...


1. Ereyo Dhiirrigelin ah (Words of Affirmation)

Qaar ka mid ah dadka waxay jacayl dareemaan marka ay maqlaan ereyo dhiirrigelin iyo bogaadin ah. Tani waxay noqon kartaa mahadnaq, hambalyo, ama kelmad uu qofku dareemayo in la qiimeeyo. Haddii lammaanahaagu yahay qofka ereyada jecel, waa muhiim inaad si joogto ah u muujiso kalgacal iyo bogaadin.

Tusaale:

Aad baad u dadaashay, waan ku faraxsanahay

Waxaan kugu hanweynahay, mar walba waad dadaashaa.

Adiga la’aantaa noloshaydu ma noqon lahayn mid buuxda.

2. Hadyado Siin (Receiving Gifts)

Dad badan waxay jacayl dareemaan marka ay helaan hadyado, inkasta oo ay noqon karaan kuwo yaryar. Hadiyaduhu ma ahan qiimahooda oo kaliya, balse waa calaamad muujinaysa xasuus iyo qiimeyn.

Tusaale:

Ubax si lama filaan ah loogu keeno.

Hadiyad yar oo macno weyn leh sida qoraal jacayl.

Wax kasta oo lagu muujinayo in aad xasuusatay lammaanahaaga.

3. Qiimaynta Wakhtiga (Quality Time)

Dad badan waxay muhiim u arkaan in la ilaaliyo ballamaha, si wadajir ah waqti tayo leh loo qaato, lana iska ilaaliyo mashquulka xad-dhaafka ah. Tani waxay kobcisaa is fahamka lammaanaha.

Tusaale:

Waqti gooni ah u samee lammaanahaaga, adigoo moobilka iyo mashquulka kale iska dhowraya.

Samee waqti aad si gaar ah u wada qaadataan sida dalxiis, casho, ama daawashada filim.

Ogow xilliyada muhiimka ah ee lammaanahaaga oo ha iloobin ballamaha muhiimka ah.

4. Taabashada Jidheed (Physical Touch)

Qofka qaar waxay dareemaan jacayl marka la taabto sida gacanta la is qabsado, laabta la is geliyo, ama la dhunkado. Tani waxay si weyn kor ugu qaadaa dareenka jacaylka ee lammaanaha.

Tusaale:

Dhunkashada

Gacanta is qabsashada marka isla 

5 Caawinta Hawlaha (Acts service)

Qofka qaar waxay dareemaan jacayl marka loo qabto hawl maalmeedkooda ka mid ah. Tani waxay muujinaysaa in aad danaynayso daryeelka lammaanahaaga.

Tusaale:

Caawinta shaqooyinka guriga sida diyaargarowga cuntada.

U qabashada hawlaha uu/ay adkaysanayo.

La wadaagista masuuliyadaha nololeed si aan culays loo dareemin.

Maxay Tahay Muhiimadda Luuqadaha Jacaylka?

Waxay sare u qaadaan is fahamka lammaanaha.

Waxay yareeyaan khilaafaadka iyo faham la’aanta.

Waxay kobciyaan kalsoonida iyo dareenka jacaylka.

Waxay xoojiyaan xiriirka qoys iyo bulsho ahaanba.



Gunaanad


Jacaylka waa dareen kobcaya marka la barto luuqadda jacaylka ee lammaanahaaga. Fahamka iyo adeegsiga luuqaddan waxay ka caawinaysaa xiriirkaaga inuu noqdo mid adag, faham leh, kuna dhisan is jacayl dhab ah waxaana yaaranaya kala taga qoyska. Waa muhiim in la ogaado waxa qofka lammaanahaaga ah ka filayo iyo sida ugu wanaagsan ee jacaylka loogu muujin karo.

Hadaba, adigu waa maxay luuqaddaada jacaylka? 

Post a Comment

0 Comments