Waa maxay feminism-ku? Halkee ayuuna kaso bilaamay?
Feminism-ku waa dhaqan reer galbeed feminisim-ka casriga ah wuxu kaso ifbaxay yurub xilli ay dumarka reer galbeedku la ildarnaayeen dulmi io xaqiraad ku salaysan jinsiga. Argtidaann waxay ku qotontay rabitaanka dumarka in ay helaan xuquuq dhaqaale, siyaasad, iyo bulsho oo aysan horey u lahayn. Taas oo muhiima in la fahmo in feminisim-ku uu yahay dhaqan si gaara ugo xiran bulshada reer galbeedka. Dhaqankaas oo aan ogolaaneyn diinta islaamka.
Fikrada feminism-ka ee casriga ah waxay ku salaysantahay xoriyada xad-dhaafka ah oo ka fog xeerarka iyo mabaadi'da islaamka.
Ujeedada qormada
Inaa muujiyo sida uu feminis-ku u khilaafayo islaamka iyo inaa cadeeyo in haweenayda islaamka ugo filantahay shareecada islaamka iyo xaqa ilaahay siiyey .
Taariikhda femism-ku iyo halko kaso bilaamay iyo halka maanta uu joogo.
1: Wave ka 1aad (1800 _1980)
Dumarka reer galbeedku waxay dalbanayeen xaqa iyo cod bixinta, in la aqoonsado in ay hantida dhaxli karaan.
2: Wave ka 2aad ( 1960 _1980)
1:Argtida feminisim-ku waxa ay diiday doorka hooyonimo iyo xaasnimo
2:Dumarka waxa lagu dhiirigalinayey inay guurka ka fogaadaan.
3: Waxay diideen in dumarka la qabo xaqkasta oo ninkeeda ku laha oo ilaahay ku waajib yeelay inay gudato iygoo u arkaya liidnimo iyo adoonsi ama ay yihin bilaa xoriyad.
3: Wave ka 3aad 1990_ maanta)
1:Waxay taageeran oo u ololeeyaan LGBTQ+ iyo in jinsigu is doorsoomo (Transgander) iyo in laga hor yimaado ragga
2:Waxay diideen qoyska dhaqanka iyo doorka ninka iyo masuuliyadda.
Diinta islaamka iyo xaquuqda haweenka
Diinta islaamka 1400 sano ka hor ayey siisay xaquuq dhamaytiran haweenka oo aan wax ka dhimayn karaamadooda, sharafkooda, iyo doorka bulshada ugo jiraan. Islaamku wuxu si cad u siiyey dumarka xaquuqdaa.
Xaquuqda dumarka: lahaanshaha iyo maareynta hantida iyada oo aan loo baahnayn ogolaansho nin tusaale ahaan inay dhaxlaan hantida
Xaquuqda waxbarashada: ismlaamka wuxu xooga saaray muhiimada waxbarashada ee ragga iyo dumarka Rasuulka c.s.w wuxuu yiri:
قال رسول الله ﷺ:
"طلب العلم فريضة على كل مسلم.
(Raadinta cilmiga waa wajib saaran muslim walba)
Xaquuqda Guurka iyo islaamka
Islaamku wuxuu dumarkabsiiyey xaq ay ku doortaan lamanahooda iyaga oo aan lagu khasbayn guur, sidoo kale waxay leeyihin xaquuq ay ku dalbadaan furniinka hadii aysan raali ka ahayn xaaladda guurka.
Doorka bulshada iyo siyaasada
Dumarka islaamka waxa loo ogolaadat inay ka qaybqaataan arimaha bulshada, siyaasada, iyo hormarinta bulsho waxaan tusaale cad u saxaabiyadii khadiija bintu khuweylid (R.c) waxa waxay ahayd
1: Ganacsato caan ah oo hodana ah waxay ka mid ahayd haweenka ugo sumacada badan Quraysh.
2: waxay lahayd ganacsi weyn waxayna shaqaleysiisay Rasuulka (c.s.w) ka hor inta aan loo waxyoon
3: waxay ahayd haweenay hurmuud u ah dhaqaalaha bulshada iyo taageeridda tiinta islaamka.
Aragtida Ragga
Islaamku wuxuu dumarka ugo dhigay masuul ragga inay ilaaliyaan daryeelaan una naxariistaan halka feminisim-ku dagaal kula jiro ragga oo ka dhigaya inay ka awood sareyn iyo in dumarka cadowna ku yihiin.
Feminisim-ka iyo islaamka-ka dumarka yaa u hiiliyey?
Feminisim : xuquuqda hantida dumarka waxay heleen 1800-meeyaddi
Islaamka: haweenayda muslimka ah waxay hanti yeelan jirtay illaa intii rasuulku(NNKH) noolaa
Feminism-ku: xaquuqda cod bixinta qarnigii 20aad ee yurub iyo USA ayey heleen
Islaamka: dumarka muslimiinta waxay lahaayeen cod iyo talo xilliyadii kulaafada
Feminisim-ka: doorka hooyonimo uma arkaan inay tahay darajo
Islaamku: jannada waxay ku hoos jirtaa cagaha hooyada
Feminism-ku : xorriyada labiska dumarku waa inay iska dhiciyaan xuduudaha dhaqanka
Islaam-ka: Dumarka muslimiinta waxa la faray in labbiskooda iyo asturnaanto sharaf u yeesho
Feminisim-ka: guurka iyo furniinka wa la dagaalmeen iyago u arka nidaam dhaqameed
Islaam-ka: Dumarka islaamka wuxu ilaahay siiyey xaq ay ku aqbalaan ama ay ku diidaan.
Feminisim-ka: Ragga waxay u arkaan inuu cadow ku yahay hormarka dumarka
Islaam-ka : islaamku ragga ayuu masuul uga dhigau dumarka
Feminisim:ka: LGBTQ+ Ayuu taageera waana dhiirigaliyaan
Islaam-ka: si cad ayuu islaamku u xaarantimeeyey arimaha LGBTQ+
Feminisim-k: Waa aragti biniaadam daciifa keenay
Islaam-ka: waa lagu saleeyey waxyiga ilaahay iyo cadaalada eebbe
Talo soo jeedin
Maxaa u raadinaysaa feminisim adigoo horey u haystay xaquuq karaamo iyo sharaf ilaahay ku siiyey, diinta ilaahay waa mid dhamaystiran mana ahan tafaraaruq hadii bulshada ama dhaqanku adiga ku dulmiyo xaqaaqa ku raadso kitaabka quraanka oo ilaahay xaqaagi uga hadlay ee ha u olaleynina hana taageerina dhaqana reer galbeedka iyo aragtida feminisim-ka ee ka hor imaanaysa diinta islaamka
Gabagabo
Islaamku waa nidaam nololeed oo qumman oo si caddaalad ah u qeexay xuquuqda iyo waajibaadka dumarka iyo ragga labadaba. Waxay ahayd diinta kaliya ee dumarka karaamadooda sare u qaaday 1400 sano ka hor, xilli aysan jirin nidaam kale oo u dooda xuquuqdooda. Feminism-ka casriga ah, oo ah dhaqan asal ahaan ka soo jeeda reer galbeedka, wuxuu inta badan ka hor imanayaa mabaadi'da Islaamka, isagoo ku salaysan xorriyad xad-dhaaf ah iyo fikrado cilmaani ah. Sidaa darteed, Muslimiinta waxaa khasab ku ah inay fahmaan in diintoodu tahay mid dhamaystiran oo aan u baahnayn in laga soo waarido fikrado kale oo ka soo horjeeda dhaqanka Islaamka
0 Comments